Xaaladda Deegaano ku yaala Xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Dagan Muddo dhowr maalmood ah oo laga Dareemayay Xiisado Colaadeed oo u dhaxeeysay Qabaa’il ku lifaaqan Siyaasado isdiidan.
Dadka Deegaanadaasi ayaa sheegaya in Xiisadahii halkaasi kajiray ay ahaayeen kuwo toos ugu dhaxeeyay Puntland Galmudug iyo Killinka isla markaana dadka Deegaanada aysan dareensanayn siyaasadaha lagu dul Shaxayo.
Qof kamid ah Waxgaradka Deegaanadaasi oo ku sugan Deegaanka Miro Cawleed isla markaana aynu qarinay Magaciisa Sababo amaan awgood ayaa waxa uu Warbaahinta Allgalgaduud Media uga xog waramay Waxa Gundhiga u ah Xiisadaha Halkaasi ka jira.