Xoola Dhaqatada Gobolka Galgaduud oo soo wajahday Xaalad Biya la’aan kadib markii ay soo mareen Laba Sano oo Roob la’aan ah.
Deegaanada hoostaga Degmada Balnabale kuna teedsan illa Gudaha Xuduuda ayaa waxaa laga dareemayaa Biya la’aan iyadoona dadka xoola dhaqatada ay ku jaha wareereen halkii ay udareerin lahaayeen Xoolahooda.
Aden Cigaal Xaafaa waa xoolo dhaqato ku nool Miyiga Dagmada Balanballe waxa uu lasoo xiriiray Wariyaheena Cumar Laki Man oo ku sugan Xafiiska warqabadka Warbaahinta Allgalgaduud Media ee magaalada Caabudwaaq.
Dhinaca kale maamulka Galmudug ayaa haba yaraato’e wax war ah kasoo saarin abaaraha iyo roob la’aanta laba sano jirsatay ee ka jirta deegaano badan oo ka tirsan waqooyiga Gobolka Galguduud, Sidoo kale deeqihii dhawaan maamul goboleedyada loo qaybiyay ayaa gabi ahaan lasoo gaarsiin deegaanada waqoooyiga gobolka Galguduud.