DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH:-Odayaasha Dhaqanka Iyo Waxgaradka Deeganka Xeraale oo ka jawaabay Hadal Dhawaan kasoo yeeray Qaar kamid ah Odayaasha Cadaado.

0

Odayaal iyo Waxgarad kusugan Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud oo lasoo xiriiray Shabakadda Caalamiga ah ee Allgalgaduud Media ayaa waxay Cabasho ka muujiyeen Hadal dhawaan kasoo yeeray Odayaal ku kulmay
Cadaado kadib Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Godinlabe.

Odayaasha Cadaado ku kulmay ayaa waxay sheegeen in Deegaanka Godinlabe ay kusoo duuleen Maleeshiyaad laga soo aruuriyay Deegaano katirsan Waqooyiga Galgaduud, sida Caabudwaaq, Dhabad iyo Xeraale.

Hadaba Odayaasha inala soo xiriiray oo kala ahaa Suldaanka Beesha Surre Suldaan Maxamed Axmed Shiil iyo Nabadoon Sacdi Cabdille oo mid ka mid ah Nabadoonada Beesha aya waxay uwarameen Cumar Laki Man oo ku
sugan Xafiiska Allgalgaduud Media ee Magaalada Caabudwaaq waxayna sheegay in aan laga fiirsan Hadalka kasoo yeeray Odayaasha Cadaado ku kulmay.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO

Wariye Cumar Siciid Cabdiraxmaan (Laki Man)
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Caabudwaaq, Soomaaliya