DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH:- Xiisad Colaadeed Oo Laga Dareemayo Deegaanka Balicad Ee Gobolka Galgaduud Iyo Gadiidka Dagaalka Galmudug Oo Si Toos Ah Uga Qayb Qaadanaya.

0

Wararka inaga soo Gaaraya Deegaanka Balicad oo katirsan Gobolka Galgaduud Juquraafi ahaana kamid ah Deegaanada Dhaca Xuduuda Gobolka uu la wadaago Dalka Ethopia ayaa waxay sheegayaan In halkaasi wali
laga Dareemayo Xiisad Colaadeed.

Maalmo ka hor Deegaanka waxaa ka dhacay Dagaal umuuqdo mid udhaxeeyaQabaa’il ha yeesheen ay qayb ka ahaayeen Askarta iyo Gaadiidka Dagaalka Galmudug.

Dagaalkaasi ayaa geystay Khasaare baaxad leh waxaana tan iyo Dagaalkaasi Deegaanka laga Dareemayaa Xiisad aad ukacsan oo umuuqata in xilli walbo la Filan karo Dagaal Hor leh.

Dadka Deegaanka Ayaa Allgalgaduud Media u sheegay in Deegaanka Hareerihiisa ay soo buux dhaafiyeen Ciidamo qabiil oo ka yimid Gelinsoor caawinaadna ka helaya Ciidanka Galmudug, waxaana Gudaha Deegaanka iyana isku hub uruursanaya Dadka shacabka.

Cabdul Samatar Maxamuud waxa uu ka mid yahay Dadka Deegaanka Balicad Wariyaheena Cumar Laki Man ayaa Taleefanka kula Xiriiray wuxuuna wax ka waydiiyay Xaaladda Deegaanka iyo Xiisadaha lasoo sheegayo.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO

Wariye Cumar Siciid Cabdiraxmaan (Laki Man)
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Caabudwaaq, Soomaaliya