Ciidamada Mamaullada Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa shalay ku dagaallamay degaanka Gondinllabe ee Gobolka Galguduud,waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Ciidanka Galmudug ayaa shalay isku dayay in ay Isbaaro ka qaadaan degaankaas,kadib dagaal ay Kooxdii Isbaarada kala hortagtay ayaa waxaa dib kaga biiray Ciidanka Maamulka AhluSunna.
Ciidanka Ahlu Sunna ayaa la wareegay degaanka Godinllabe shalay gelinkii hore, waxaase kadib dagaal rogaal celin ah oo ay qaadeen Ciidanka Galmudug u suuragashay in ay ka saaraan Ciidankii maamulka AhluSunna.
Ciidamada labada dhinac ayaan midna ku sugneyd gudaha magaalada,waxaana ay kala joogaan labada dhinac ee magaalada Godinllabe.
Xaaladda Degaankaas ayaa Maanta Illaa Caawa Dagan,iyada oo dadkii degaanka ay ka barakaceen degaankaasi kadib markii ay shalay ku dagaallameen Ciidamada kala taabacsan Maamullada Galmudug iyo AhluSunna.
Hadaba Cali Cagawayne waa Taliyaha Saldhiga degmada Cadaado ee Maamulka Galmudug waxa uu Xaaladda Deegaanka iyo khasaarihii dhashay iyo arimo kale oo dhowr ah uga waramay Wariyaheena Cumar Laki man oo ku sugan Magaalada Caabudwaaq.