Qaar kamid ah ciidanka hay’ada nabad sugidda Soomaaliyeed ee NISA oo oo maanta warbaahinta lahadlay xilli ay isu soodhiibeen dowladda Puntland ayaa kahadlay qaabkii Galkacyo loo keenay.
Qaar kamid ah saraakiisha NISA ayaa sheegay in laga kala keenay deegaamada gobolka Galgaduud looguna sheekeeyey inay ka qaybqaadan doonaan daminta colaad beeleed ka jirta duleedka Galkacyo, haseyeeshee markii ay Galkacyo yimaadeen loosheegay inay ka qaybqaataan dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Galmudug.
Saraakiishaani ayaa sheegay in ciidankii NISA ee Cadaado Joogay ay ka qayb qaateen Dagaalka Gaalkacyo, Waxaana ay sheegeen in ay go’aan qaateen Maadaama aysan hayn shaqadii loo Idmaday, aysanna Doonayn inay ku biiraan Colaadda ka aloosan Gaalkacyo.
HOOS KA DHAGEYSO