DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH: Suldaan Axmed Garbacune "Beesha Sade Hal Ruux Ayay Ku Yeelanaysaa Aqalka Sare Ayay Nagu Yiraahdeen, Anagana…

0

Dhawrkii Maalmood ee lasoo dhaafay Waxaa Magaalada Cadaado ee Xarunta Galmudug kulan uu uga soconayay Madaxwaynaha Maamulka Galmudug iyo Mid kamid ah Beelaha wax ka dhistay Maamulkaasi Gaar ahaan Beelaha Daga Deeganada Waqooyi ee Galgaduud.

Suldaan Axmed Xasan Xuseen Garbacune oo kamid ah odayaasha dhaqanka beesha Sade ayaa isgaoo ku sugan mgaalada Cadaado wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Allgalgaduud media ayaa waxa uu sheegay inay kulamada ay la qaateen Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guulleed iyo Maxamed Xaashi Cabdi oo ku magaacaban Madaxweyne ku xigeenka ay kusoo idlaadeen isfahan waa.

Suldaan Axmed Xasan Xuseen Garbacune ayaa waxa uu sheegay in mamaulka Galmudug ay u sheegeen in beesha Sade ay ku yeelanayaan hal ruux aqalka sare, taasoo uu Suldaan Garbacune sheegay inay ka biyo diideen dhankoodana ay Galmudug u sheegeen inay isaga baxayaan Maamulkaas hadaan wax laga badalin qorshaha ay soo bandhigeen.

 

 

 

HOOS KA DHAGEYSO

Wariye Cumar Laki
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Caabudwaaq, Somalia