XOG RASMI:-­ Maxay tahay Sababta Gaalkacyo u yimaaden Ciidamadda DANAB ee garabtaagan Ciidamada Puntland

0

Waxaa Magaalada Gaalkacyo ka soconaya Howl­galo ay wadaan Ciidamada Nabad­galyada Puntland oo kaashanaya Ciidamada Danab ee Soomaaliya.

Howl­galadaan ayaa ilaa hada waxaa laga so qabtay ku dhawaaq 10 qof oo ku jiro nin u dhashay Dalka suudan oo Qaraxyada u samayn jiray Ururka Al­shabaab,kaaso lagu magacaabo Saciid C/laahi Al­Sudani.

Ka Hor Howl­galadan Wada­jirka ah ayaa Ciidamada Nabad­galayada Puntland waxay gacanta ku so dhigeen Labo nin oo dilalkii ugu danbeeyay ka gaystay Gaalkacyo,kuwaaso fashilyay Halka laga so
abaabulo Dilalka ka dhaca Waqooiga Gaalkacyo.

Xogtan ayaa sheegaysa in Labadaas nin ay sheegen in Dadka dilka gaysta ay dagan yihiin Xaafada Baraxley ee Magaalad Gaalkacyo,halkaasna ay fariisin u tahay Qaybo ka mid ah Al­shabaab.

Intaas kadib Madaxda Dowlada Puntland ayaa dajiyay qorshihii lagu af­jari ­lahaa Fariisinka ay Alshabaab
ku leeyihiin Xaafada Baraxley ee Gaalkacyo,Waxaana qorshahaasi la wadaagen Saraakiisha Maraykanka ee Soomaaliya jooga,kuwaaso Ciidamada Nabadgalyada Puntland,ku kaabay Ciidamada Danab ee ay Maal­gaaliyaan si Dadka dagan Xaafadaasi aysan u arkin in Puntland u ku so duushay.

Wararka la helaayo ayaa sheegaya in R/wasaaraha Soomaaliya u fududeeyay in Ciidamda Danab ay qayb ka noqdaan Howlgalada ay wadaan Ciidamda Nabad­galyada Puntland,kaaso lagu sifaynayo Al­shabaab ku dhuumalaysanaya Xaafada Baraxley ee Maamul­ka Galnus.

Ugu Danbaytii Ciidamada Nabad­galyada Puntland oo dhinaca socdaan Danab ayaa Howlgaladoooda ugu danbeeya ka fulindoona Degmada Galdogob oo laga shakisan yahay inay jooga Saraakiil Al­shaaba ka tirsan.