Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay soo xiray shirka dib u eegista tacliinta sare ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya oo ay Soomaaliya ka mid tahay kaasi oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in la xoojiyo xiriirka caalamka nagala dhaxeeya ee ku aadan dhanka waxbarashada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya muhiimad dheraad ah siin doonto sidii xiriir adag ay ula sameyn laheyd Jaamacadaha caalamka si Ardada Soomaaliyeed ay waxbarashooda u sii hormariyaan, isagoo sidoo kale sheegay in dalka uu ka soo gudbay marxaladdo adag oo soo maray tacliinta dalka haatanna la gaarsiiyey meelo muhiim ah.
Ugu dambeyntiina wafuud ka socota caalamka oo shirka ka qeyb galayey shirkii shalay magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay ayaa waxa ay balan qaadeen in ay sii hormarin doonaan Ardada dalalka Afrika wax ka baraneysa gaar ahaan kuwa Soomaaliya.
Hoos ka Dhageyso Codka:-