Wasaarada Amniga Gudaha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta wixii ka dambeeya aan la xigan karin cid aan Wasaarada Amniga aheyn.
Wasaarada Amniga ayaa sheegtay in aysan ogoleyn cid aanan ka tirsaneyn Wasaarada Amniga in ay ka hadasho dhacdooyinka mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Wasaarada Amniga C/kaamil Macalin Shukri oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya Wasaarada Amniga ay ka hadli doonto wararka la xiriira amniga.
Waxa uu sheegay in Warbaahinta hada kadib waqti iyo xilli gaar ah oo ay kula soo xiriiraan Wasaarada Amniga loo sameyn doono, si faah faahin looga siiyo dhacdooyinka amniga la xiriira ee Muqdisho ka dhaca.
Afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa sidoo kale sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu qeyb ka yahay sugida amniga magaalada Muqdisho balse uusaan ka hadli karin dhacdooyinka ka dhaca magaalada Muqdisho.