Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay Wareysi ay la yeelatay Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) oo ahaa Xildhibaan hore kana mid ahaa Ragii Fuliyey Weeraradii ismiidaamin ee shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Ismiidaamiye Saalax badbaado ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii Baarlamaanka KMG, waxana markii uu ka baxay kadib ku biiray Ururka Al-Shabaab, isagoona ugu dambeyn ismiidaamiyey.
Saalax Badbaado waxa uu ku dhashay Degmada Garadag oo ka tirsan Gobolka Sanaag, waxana uu dhalsho ahaan ka soo jeedaa Deegaanada Somaliland.
HALKAAN KA DHAGEYSO DARDAARANKA