Akhriso Taariikhda Xildhibaankii hore ee Shalay isku qarxiyay Muqdisho iyo Sida uu Al-Shabaab ugu biiray

0

Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay taariikhda xildhibaankii hore ee is-miidaamiyaha noqday, iskuna qarxiyay magaalada Muqdisho shalay, waxaana taariikhdaasi ka muuqda sida Alshabaab u bedeleen Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado).

Xarakada ayaa qortay in Saalax Badbaado uu ka qalin jebiyay machadka culuumta sharciga ee Cabdalla Cazaam ee Alshabaab ay maamulkaasi, waxayna taariikhdaasi soo koobeysaa markii uu ka baxay Baarlamaankii KMG ahaa sanadkii 2010 ilaa 2016 oo uu is qarxiyay.

HOOS KA AKHRISO TAARIIKHDA XILDHIBAANKA IS QARXIYAY SIDA AY ALSHABAAB U DHIGTAY

Saalax Nuux Ismaaciil oo ku magacdheer (Saalax Bad-baado) islamarkaana ah Aabe 57 jir ah, oo soo maray maraaxil kala duwan oo taariikhi ah ayaa ka mid ahaa halyeeyadii fuliyey weerarkii lagu qaaday Xerada Xalane, kaas oo uu Allaah ka soo bad-baadiyey kufriga iyo ridada, ka dibna tusay wadada Jihaadka iyo Istish-haadka ilaa ugu dambeyntii uu noloshiisa ku soo gabagabeeyey halkaas.

Saalax wuxuu ku dhashay degmada lagu magacaabo Gar-Adag oo ka tirsan gobolka Sanaag sanadkii 1960-kii. Wuxuu waxbarashadiisa hoose iyo dhexe ku soo qaatay degmooyinka Shiikh iyo Ceerigaabo, ugu dambeyntiina Dugsiga sare kaga soo baxay magaalada Hargeysa ee Xarunta gobolka Waqooyi-Galbeed.

Wuxuu ahaa xildhibaan hore balse wuxuu falka gaalnimo ee uu ku dhacay ka towbadkeenay sanadkii 2010 xilligaas oo uu meel fagaare ah ka cadeeyey in uu ka soo baxay gaalnimadii uu ku dhacay.

Xilligaas wixii ka dambeeyey Saalax waxaa lagu soo dhaweeyey wilaayaatka Islaamiga, Waxaana gacmaha u furay Mujaahidiinta, Isagoona Nasiib u yeeshay in uu isaga kala gudbno wilaayaatka Islaamiga iyo furimaha dagaalka, kana qeybgalo dowraadka, Xalaqaadka iyo kulamada wadatashiga ah ilaa ugu dambeyntii uu noqday nin fahmay sidoo kalena bartay macaanida diinta Islaamka iyo micnaha dhabta ah ee Al-Walaa wal-baraa.

Wuxuu ku soo waxbartay oo uu ka soo qalin jabiyey machadka culuumta sharciga ee Cabdalla Cazaam, halkaas oo uu ku xareysnaa muddo hal sano ah, Wuxuuna sidoo kale la soo shaqeeyey Makaatib kala duwan oo uu ka mid yahay Maktabka Dacwada, Maktabka Tacliinta, Maktabka Ashbaalka, iyo Maktabka Istish-haadiyiinta oo uu hadda ka tirsanaa ka hor inta uusan howlgalkan fulin Allaha ka aqbalee.