XOG CUSUB+RASMI:- Kenya oo sii fideysa Howlgalka AMISOM iyo Ciidamo cusub..

0

Saraakiil ka tirsan Booliska Dalka Kenya ayaa yimid Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu biiriyay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in Saraakiishaan la siinayay mudo todobaad ah tababar ku aadan hawlaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, gaar ahaan qaybtooda Booliska iyo sida ay u hawlgalaan.

Madaxa Shaqaalaha ee Booliska AMISOM, Rex Dundun ayaa waxuu sheegay in loo baahan yahay in ay gutaan wajibaadkii loo igmaday maadaam Doorashooyin la filayo in ay ka dhacaan Dalka Soomaaliya.

Haweeney Kenyaan ah oo horkaceysay Ciidankan Cusub oo lagu magacbo Rachael Munge Kironji ayaa sheegtay in Saraakiishu ay diyaar u yihiin inay caawiyaan AMISOM, islamarkaana ay gutaan waajibaadka saaran.

Ugu dambeyn, Howlgalka AMISOM ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay gacan ka geysan doonaan sugida ammaanka guud ee goobaha la filayo in ay ka dhacaan doorashooyinka Dalka Soomaaliya.