DHAGEYSO:- Xildhibaano soo dhaweeyay dhismo cusub oo lagu soo kordhiyay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeeyay darbi laga dhisay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Darbiga la dhisay ayaa waxaa la sheegay in uu ka qeyb qaadanayo sugida amniga Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Dhismaha darbiga ayaa waxaa la sheegay in ay door muhiim ah ka qaadatay QM, Saraakiisha Amisom ee sugida amniga Baarlamaanka u xil saaran.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale u mahad celiyay Ciidanka booliiska Soomaaliya, nabad sugida, iyo Ciidamada Amisom oo qeyb muhiim ah ka qaato sugida amniga xarunta baarlamaanka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-