WAREYSI XIISO BADAN:- Mid ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barata Turkiga oo ka sheekeeyay Wixii Xalay ka dhacay Dalkaasi

0

Magaalooyin ka tirsan Dalka Turkiga waxaa wax ku barta oo ku nool Kumanaan Arday Soomaaliyeed ah oo sanadii dambe wax ku baranaya dalkaasi.

Xalay markii uu dhacay isku daygii fashilmay ee afgambiga ahaa ayaa waxa ay dareemeen Cabsi xoogan oo ku aadan in dalka ay wax ku baranayo inuu galayo xaalad adag iyo in taladiisa lala wareegayo.

C/Casiis Sabdow Xasan Waxa uu ka mid yahay Ardayda wax ka barata Dalka Turkiga gaar ahaan Jaamac ku taalla Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayuu khadka Telefoonka ugu waramay waxa uuna ka sheekeeyay wixii Xalay ka dhacay dalka Turkiga iyo sida ay u dareemeen.

Sidoo kale waxa uu ka sheekeeyay sheekooyin uu arkay xilligii uu socday isku daygii afgambi ee ka dhacay Dalka Turkiga.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Cabdi Casiis Sabdow Xasan oo dhameystiran:-

Audio Player