TOOS U DAAWO:- Banaanbax hada ka soconayo Muqdisho

0

Waxaa hada Taalada Daljirka Daah soon ka soconayo Banaanbax weyn oo loogu soo horjeedo afgambigii fashilmay ee ka dhacay Dalka Turkiga.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo agaasimay oo soo qaban qaabiyay Maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galaya Madax ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.

Shacab ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir iyo madax ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo gobolka banaadir ayaa ku sugan goobta uu ka dhacayo Banaanbaxa.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin “ Doonimeyno in la dhibaateeyo shacabka walaalaheena ah ee Turkiga, waan ka xunahay wixii xalay dhacay” iyo Erayo kale oo lagu muujinayo sida shacabka Muqdisho ay ugu xun yihiin wixii xalay ka dhacay Turkiga.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

B 10 B 8 B 7 B 6 B 4 B 3 B 2 B 1