DHAGEYSO:- Madaxweynaha Soomaaliya “ Guddiyo Caalami ah ayaa koormeeraya goobaha doorashada lagu qabanayo, waana laga hortagayaa Masuq Maasuqa”..

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud,ayaa sheegay in si loo dhowro nidaamka xalaasha ah ee doorashada ay Dalka iman doonaan Guddiyo Caalami ah oo kor joogto ka noqon doona doorashada ka dhaceysa Dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladdiisu ay xoogga saareyso in dalka ay ka dhacdo doorasho xalaal ah oo aan musuq lahayn,waxaana uu intaa ku daray in Guddiyo ay Dowladda u smaeysay doorashada sidoo kalena ay dalka imanayaan kuwo Caalami ah oo la soconaya sida ay u dhaceyso doorashada Bisha September 10-keeda ka dhaceysa Muqdisho.

Madaxweynaha waxaa uu dhanka kale difaacay habka doorashada ee lagu sheego in Xildhibaannada doorta Madaxweynaha  ay Lacago fara badan ku qaataan qofka ay u codeynayaan.

Waxaa uu shaaciyay in doorashada aysan noqon doonin mid ku shubasho iyo Lacag bixin ah,waxaana uu intaa ku daray in nidaamkaas laga guuray.

Hoos ka Dhageyso Codka:-