Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa sheegay inuu aad uga naxay dagaalka ka socda magaalada Juba ee Caasimada Koofurta Sudan, isagoo labada dhinac ugu baaqay inay si deg deg ah dagaalka u joojiyaan.
Mr Ban Ki-moon ayaa ugu bay Madaxweyne Salva Kiir iyo kuxigeenkisia 1aad Reik Machar inay si wada jir uga shaqeeyaan nabada, ayna dib u hubiyaan anshaxa hogaamiyeyaasha ciidamada, si loo dhaqan geliyo heshiiskii nabada ee ay wada gaareen.
“Waxaan ku boorinayaa Madaxweyne Kiir iyo Kuxigeenkiisa Riek Machar in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Juba, anshax madaxda ciidamada ayaa mas’uul ka ah rabshadaha iyo in ugu dambeyntii wadajir ay uga shaqeeyaan sidii ay u hirgelin lahaayeenn Heshiiskii Nabada ee Koofurta Sudan”ayuu yiri Ban Ki-moon.
Dagaalkii khamiistii ayaa waxaa ku dhintay illaa shan askari, markii kolonyo ay la socdeen Ciidamada Madaxweyne Kiir ay rasaas ku fureen bar koontarool ay ku sugnaayeen Ciidamada Madaxweyne kuxigeenka.
Sidoo kale shaley oo jimco aheyd ayaa waxaa rasaas culus laga maqlay agagaarka Xarunta Madaxtooyada, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan dagaalkii shalay.
Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa ayaa labadaba ku baaqay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo waxa sababay dagaalka.
Xaalada magaalada Juba ayaa saaka ah degan, waxaana dadka mar kale ka cabsi qabaan in dagaalo kale inay dhacaan.