Mas’uul heerkiisu sareeyo oo ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay Jariidada Time of Israel inuu jiro kulanka dhex maray Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha Israel Bin Yamiin Natan Yahu.
Sarkalkaan ayaa diiday magaciisa in warbaahinta loo adeegsado waxana uu shaaca ka qaaday in kulanka uu ahaa mid rasmi ah balse heerkiisa uusan sareeyn waxana uu dhacay bishii December sanadkii tagay waxana ka qeyb qaatay ergo ka socotay wasaradda maaliyada Israel iyo Mas’uuliyiin Soomaali ah.
Somalia ayaa ka mid ah wadamada aan aqoon sanayn Israel sidoo kale waxa ay kamid tahay wadamada xubnaha ka ah Jaamacada Carabta mana jirto xiriir diplomaasi oo kala dhaxeeya Israel.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo xilka qabtay sanadkii 2012-ka laguna soo daray sanadkii 2013-ka liiska 100-qof ee ugu sameynta badan caalamka ayaa lagu daabacay jariidadaasi kasoo baxda Israel ee Time taa oo muujisay dhaqaqa Somalia ee dhinaca Israel.