TOP NEWS: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dhawaan Kulan Qarsoodi Ah La Qaatay R/wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

0

Waxaa isa soo taraya wararka sheegayay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si qarsoodi ah ku tagay Israa’iil halkaas oo uu kulan kula qaatay R/wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ahaa midkii ugu horreeyay oo mas’uuliyiin labada dhinac ahi yeeshaan, sida maanta uu baahiyay Wargeyska The Times of Isreal oo sheegay inuu kasoo xigtay warkan ilo wareedyo si aad ah ugu dhaw dhaw madaxweynaha Soomaaliya.

Israa’iil ayaan wax xiriir siyaasadeed ah la lahayn Soomaaliya oo ka mid ah waddamada ku yaalla Gobolka Bariga Afrika, iyadoo Somalia oo xubin ka ah Ururka Jaamacadda Carabta aysan aqoonsanayn jiritaanka dowladda Israa’iil.

Warbixin lagu daabacay Shabakadda Caasimada Online, ayaa laba todobaad ka hor bahisay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saddex sarkaal oo kale ay dhawaan booqasho gaaban oo Qarsoodi ah ku tageen Magaalada Tel Aviv ee Caasimadda Israa’iil, iyagoo la kulmay R/wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo Xubno ka tirsan Xukuumaddiisa, sida uu Wargeysku ku sheegay xogta uu maanta baahiyay.

Sidoo kale, Wargeysta The Times of Israel ayaa sheegay in saraakiil ku dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay u xaqiijiyeen inuu kulankaani dhacay, balse aanay sheegin in kulankan uu ka dhacay Tel Aviv iyo in kale. Lamana oga illaa hadda Waxybaaha ay Rasmi ahaan uga hadleen labada mas’uul.

Saraakiishani ayaa hadalkood ku daray in kulan labaad oo dhexmari doona labada Hoggaamiye la qorsheegay in uu xilliyada soo socda uu dhaco, laakiinse lama oga halka uu k dhici doono.

Ilo-wareedyo ku dhaw madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in shir heer hoose ah oo lagu wado in bisha December ee sannadkan uu magaalada Qudus – Jerusalem ku Dhex-maro Wakiillo ka socda Wasaaradda Maaliyadda Israa’iil iyo Saraakiil Dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda.

Wargeyskan kasoo baxa Israa’iil ee The Times of Israel, ayaa sidoo kale Warbixintiisa ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka loo doortay sannadkii 2012-kii, uu soo daabacay sannadkii 2013-kii in Madaxweynaha Somalia uu ka yahay Boqolka Hoggaamiye ee Caalamka ugu saameynta badan.

Dhinaca kale, Saraakiil Israa’iiliyiin ah – oo Maanta Arrintaan wax laga weydiiyay ayaa ku gacan-sayray inay ka hadlaan, Iyadoo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel, Dore Gold uu Wargeyskaan u sheegay inuusan u xaqiijin karin jiritaanka kulankaan, isla markaana uusan beenin karin. Sidoo kalena ma jiro Hadal Arrintaan la xiriira oo kasoo baxay dhanka Dowladda Federaalka Somalia.

Isku soo wada duuboo , Warbixintaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo RW Israa’iil uu Dalal ku yaalla Gobolka Bariga Afrika ku marayo booqasho rasmi ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Kenya oo xuduud la leh Soomaaliya.