DAAWO SAWIRADA:- Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Madiina ee dalka Sacuudiga

0

Weerar ismiidaamin ah, ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay Magaalada barakaysan ee Madiina, iyadoona illaa iyo hadda la’ogyahay in afar qof ku dhimatay, halka shan kalana ay ku dhaawacantay.

Nin xirnaa suunka ka sameysan walxaha qarxa, ayaa ku qarxay xarun ciidan oo ku taala meel aan ka fogayn Masaajidka Nabiga (NNKH), oo ka mid ah meelaha ugu barakaysan ee Islaamka.

Muuqaalo laga soo qaaday aagga uu qaraxu ka dhacay, ayaa muujinaya qiiq cirka isu shareeray iyo qolyaha dab demiska oo gaaray goobtii uu qaraxan ka dhacay.

Saraakiisha Sacuudiga, ayaa waxay xaqiijiyeen in afar askari ku dhimatay qaraxaasi, halka shan kalana ay ku dhaawacantay, waxay kaloo sheegeen in baaritaano wadaan.

Qaraxan waxaa uu ku soo aadayaa weerar kaloo ismiidaamin ah oo Isniinti ka dhacay Masaajid ay Shiicada Sacuudigu ku leedahay Magaalada Qatif, waxaana ku dhintay qofkii weerarka soo qaaday oo qura. Mar sii horeysayna qarax kale ayaa ka dhacay meel ku dhow Xarunta Qunsuliyadda Mareykanka ee Magaalada Jeddah, iyadoo laba ka mid ihi ilaalada Qunsuliyaddu ku dhaawacantay.

Ma cadda cidda dhabta ihi ee ka dambeysay qaraxyada ka dhacay Magaalooyinka, Jeddah, Madina iyo Qatif, balse weeraro horey uga dhacay dalkaasi waxaa sheegatay Daacish.

Sacuudigu waxaa uu ka mid yahay isbahaysiga Mareykanka uu hogaamiyo, ee weerarada dhinaca cirka ku haaya Ururka Daacish, oo ku xoogan Ciraaq iyo Suuriya.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Madina Madina1 Madina2 Madina2- Madina3 Madina4 Madina5 Madina6 Madina6- Madina7 Madina7- Madina8 Madina9 Madina91