TOOS U DHAGEYSO:- Aragtida Dadweynaha Sanad kadib Muxuu qabtay C/KariIn Guuleed ?

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa waxaa uu Maamulkiisu jirsaday sanadkii 1-aad, ka dib markii 4-tii bishii Luulyo/July ee sanadkii hore loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha, ayaa waxaa lagu dhaliilaa sanadkii uu xafiiska joogay inaanu ku guuleysan wixii laga fillaayay, iyadoo aanay maanta Galmudug lahayn wax xafiis ah oo Wasaarad qura ay ka hawlgasho.

Madaxweynaha Galmudug, ayaa lagu eedeeyaa in uu u dhaxeeyo Magaalooyinka Muqdisho & Cadaado, isla-markaana ay kooban tahay mudada uu baaqiga ku yahay Cadaado, marka loo eeggo joogitaankiisa Muqdisho.

Dadka reer Cadaado, ayaa waxay qaarkood qabaan in Galmudug looga arrimiyo Aqalka Madaxtooyada Villa Somalia, sidoo kalana ay colaado ka dhex hurisay beelaha walaalaha ee wada degga Gobolada Galgaduud & Mudug.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu ku fashilmay in uu soo xero geliyo Maamulka Ahlu Sunna (Gobolada Dhexe), oo xilligii la dooranaayay uu ballanqaaday in uu wada hadalo la furi doono Maamulka uu hogaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Waxaa kaloo xusid mudan in Madaxweynaha Galmudug uu ku fashilmay in Maamulkiisu uu geeyo Xarunta rasmiga ah Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb, maadaama ay Cadaado tahay mid ku meel gaar uun ah.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Cadaado oo aragti uruurin laga sameeyay, ayaa waxay badankoodu kaga horyimaadeen hannaanka siyaasadeed ee Maamulka C/kariin Xuseen Guuleed.

HALKAAN KA DHAGEYSO