llaha u naxariistee waxaa Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku Geeriyooday Wariye Siraaji Cumar Cabdi oo ka mid ahaa Wariyaasha ka howlgala Gobolka Hiiraan.
Wariyaha ayaa la sheegay inuu Istaagay Wadnaha,iyadoo uu Isbitaalka Magaalada Baledweyne ku Geeriyooday.
Wariyaal ka mid ah kuwa Gobolka Hiiraan ayaa noo sheegay in Siraaji Cumar Cabdi uu Maalmihii la soo dhaafay Xanuunsanaa.
Alle ha u naxariistee Wariye Siraaji Cumar Cabdi waxa uu ka soo shaqeeyay Idaacado ku yaalla koofurta iyo Bartamaha Somaaliya Sida Idaacada Risaala, Idaacada Star FM iyo Idaacado kale.