DHAGEYSO WARBIXIN:- Sidee u Ciidayaan dadka Barakacayaasha ah Xilli ay la yihiin wax ay Cunaan, Muxuu yahay Waajibka Dowlada ka saran dadkaasi?…

0

Xaaladaha dunida iyo daruufuhu waa kuwa aad u kala duwan, dadna baahi iyo diihaal ayaa daashaday, waa kuwaa dalan baabi dhacaaya, kuwana daaraha ay ku jiraan ayaa cunto diihin ay ka soo daadiyaan oo dharag ay la daacoodaan.

Laakiin cidna daalac loo raacan mayo oo Alle ayaa deeqda bixiya oo ciduu doono siiya, ciduu doonana u diida.

Dad aad u fara badan ayaa waxaa Maalmahaan lagu arkaya Suuqyada waa weyn ee Muqdisho.

Hooyo iyo Aabo kaste waxa uu gacanta ka wadaa Caruurtiisa oo uu u gadayo dharkii ay ku Ciidi lahaayeen Maalinta Ciida oo Maaalmo qura ay ka harsan tahay.

Waxaa taa aad ugu duwan qoysas aan kula kulmay Kaamamka ay degan yihiin dadka Barakacayaasha ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Kaamamkii aan tagay waxa ka dhisnaa Guryo ka sameysan Cooshado oo aan iska celin Karin roobka iyo Dabeysha saa’idka ah.

Qaarkood dab uma shidneyn Caruuurta diifta ka muuqatana waa mid aad durba daremyso markii aad dul istaagto guryaha ay ku nool yihiin oo ka sameysan Cooshado.

Roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ay Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay oo guryaha qaarkood ay qaadeen roobabka.

Mid ka mid ah kaamamkii aan tagay ayaa waxaa ku arkay Hooyo aan ku qiyaasay da’deeda 40 sano jir, waxaa hareeraheeda Fadhiya qaar ka mid ah Caruurteeda.

Caruurta wey iska cayaaraan oo ma ogo in ay Ciida ay soo dhaw dahay iyo in kale sababtoo ah si toos ah uma helaan Raashiinki ay cuni lahaayeen iskaba daayee iney dhar Ciid ku fakiraan.

Hooyo Zeynab Axmed iyo Hooyo Khadiijo ayaa weydiiyay xaalada ay ku nool yihiin iyo hadii ay jiraan cid u balan qaaday iney Caruurtooda dhar Ciid ah u gadayaan.

Sidoo kale waxaan goobta kula kulmay Oday 70 Jir ah waxaana kala sheekeystay nolosha kaamka, waxa uuna sheegay in gargaar ka yimaada ay ugu dambeysay Dowladii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh AXmed balse 4 sano ee ugu dambeysay aysan helin wax gargaar ah.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa waajib ka saran badbaadinta, ka warqabka, taageerada iyo u gargaarida dadka danyarta ah ee ku nool Soomaaliya si gaar ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay matalaan oo ay mar walbo ku hadlaan Codka shacabka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya loogu baahan yahay iney ilgaar ah ku eegto dadka danyarta ah eek u nool Kaamamka Muqdisho.

W/D:- Axmed Cabdi Cali

Hoos ka Dhageyso Warbixinta:-