DAAWO SAWIRRADA:Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay xoojinta dagaalka Argagixisada lagula jiro..

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya , ayaa waxaa uu maanta kulan dheer la qaatay Dhiggiisa dalka Kenya Raychelle Awour Omamo. Mas’uuliyiinta labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya iyo Iskaashiyo hor leh oo laga galayo dhinacyada Amaanka, Labada dhinac waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo xasilinta dalka iyo la-dagaalanka kooxaha Argagixisada.

“ Waxaan uga mahadnaqayaa Dawladda Kenya oo ciidankeedu ay qaybta ka yihiin howlgalka AMISOM taageerada ay noo fidinayaan ee ka qayb qaadashada sugidda iyo la dagaalanka Argagixisada oo gobolka khatar ku ah.” Ayuu yiri Wasiir Diini.. Dhanka kale waxaa uu xusay in ay ka go’antahay sidii  gacan bir ah loogu qaban lahaa kooxaha Argagixisada ah ee uu ku sheegay in ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya  ayaa sheegay in lasii xoojin doono howl-galadda ka dhanka ah ee looga soo horjeedo Al-shabaab isla markaana lagu xoraynayo goobaha ay weli ku harsan yihiin ururka Al-shabaab.

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Raychelle Awour Omamo ayaa sheegtay in dawladdooda ay gacan buuxda ka geysan doonto sidii Soomaaliya nabad looga dhigi lahaa, waxaana ay intaas raacisay rabashadaha ay argagixsadu ka wado Soomaaliya iyo Kenya in ay u baahan tahan iskaashi iyo wadajir in lagu wajaho.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Diini-iyo-Kenya Diini-iyo-Kenya-1 Diini-iyo-Kenya-2 Diini-iyo-Kenya-3

W