Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Khattab Al-Masri oo ah nin u dhashay wadanka Masar muddo badan ka tirsanaa Al Shabab inuu kamid ahaa Maleeshiyadii lagu dilay weerarkii Al Shabab ay ku qaaden xerada ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan.
Khattab Al-Masri ayeey sheegen dowladaha Soomaaliya,Itoobiya iyo AMISOM in uu kamid ahaa nin cadaan ah dadkii lagu laayay dagaalka balse ma jirin warar xaqiijin karay inuu isaga Khattab Al-Masri ahaa qofka la dilay.
Waxa la aaminsan yahay inuu Khattab Al-Masri yahay meydka qof cadaan ah oo dhulka yaalay oo ka soo muuqday sawiro 10 Juunyo laga soo qaaday deegaanka halkan oo 300 dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho.