Qaar kamid ah xildhibaanada iyo wasiirada maamulka puntland ayaa lakala saftay madaxweynaha puntand dr c/wali maxmed cali gaas iyo kuxigeenkii abdulaahi xaaji cumar camey oo isku khilafsan sida loo qeybsanaayo xubnaha maamulka puntland laga siiyay aqalka sare.
Ilo lagu kalsoonaan karo oo magaalada garoowe ku sugan ayaa sheegay in ay jireen kulamo u dhaxeeyay kuwa taageersan madaxweyne gaas iyo kulamo kale oo u dhaxeeyay xildhibaanada iyo wasiirada taageersan madaxweyne kuxigeenka puntland.
Arrinka ugu wayn ee labada mas’uul ay isku hayaan ayaa ah in madaxweyne kuxigeeganka puntland uu ku eedeeyay madaxwayne cabdiwali maxamed cali gaas in uu latashi la’aan qaybiyay xubnaha 11 ah ee aqalka sare ee puntland ka heshay baarlamaanka uu soomaliya yeelan doono kadib doorashada.
Abdulaahi xaaji cumar camey madaxwayne kuxigeenka puntland ayaa madaxwayne c/wali maxamed cali gaas sidoo kale ku eedeeyay in uu taladii faramarooqsaday, waxaana taasi ay sahashay in baarlamaanka puntland uu madaxwayne gaas kala hadlo in mooshin ay ku ridaan madaxwayne kuxigeenka.
HALKAAN KA DHAGEYSO