17-ka Bishaan ayay ahayd markii Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Magacaabay Guddiga Heer Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee sanadka 2016-ka.
Guddiga doorashada ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 22 Xubnood oo shan ka mid ah ay yihiin Wasiirro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya,waxaana ku jira Xubno ka socda Maamul goboleedyada dalka iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed.
Guddigan waxaa hawshiisu noqon doontaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan, jadwalka doorashada iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sannadka 2016 sida lagu cadeeyay qoraalka Xafiiska Madaxweynaha.
Siyaasiiyin, Aqoonyahano, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa siyaabooyin kala duwan ugu hadlay Magacaabista guddigaan.
Sidoo kale waxaa Magacaabista guddigaan ka soo horjeestay Madasha ay ku mideysan yihiin Xisbiyada ka jira Dalka.
Maxamuud Axmed Nuur “ Tarsan” Gudoomiyihii hore ee G/Banaadir ayaa sheegay in Magacaabista iyo xubnaha guddiga ku jira aysan ahayn kuwa sharci ah.
Fikrad taasi ka duwan waxaa qaba Abuubakar Maxamed Xasan oo ka mid ah dhalinyarada Waxbaratay ee ku nool Muqdisho, Waxa uuna sheegay in guddigaan uu yahay mid sharci ah.
C/raxmaan Jimcaale Cismaan oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii KMG ee dalka soo maray ayaa sheegay in loo baahan yahay in la saxo guddiga uu Magacaabay Madaxweynaha balse aysan habooneyn in durba laga soo horjeesto.
Dastuurka sida KMG loo ansixiyay ayaa waxa uu dhigayaa qodobkiisa 111 faqradiisa labaad Xarafkiisa “A” iyo “B” in guddiga Qaran ee Madaxa banaan ee doorashooyinka dalka shaqadoodu ay ka mid tahay Maamulida doorashooyinka Madaxweynaha iyo doorashooyinka heer Federaal.
Sidaasi daraadeed Waxaa horay u jiray oo Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka dalka hadaba maxay ku kala duwan yihiin gudiga uu Magacaabay Madaxweynaha iyo guddigii horay u jiray.
Xaliimo Cismaan Ibraahim “ Xaliimo Yareey” oo ah guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa sheegtay in aysan isku shaqo ahayn guddiga ay madaxda ka tahay iyo guddiga uu Magacaabay Madaxweynaha.
Sidoo kale Siyaasiyiinta iyo dadka falaqeya Arrimaha Siyaasada Soomaaliya ayaa sheegay in Magacaabista guddigaan uusan ahayn mid sharci ah.
C/raxmaan Jimcaale Cismaan ayaa mar kale Idaacada Risaala u sheegay in uusan sharci ahayn guddigaan uu Magacaabay Madaxweynaha.
Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyinta Soomaaliyeed, Madaxna ka ah mid ka mid ah Xisbiyada dalka ka jira ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in aysan taageerin Magacaabista Guddiga Madaxweynaha uu ansixiyay.
HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA