DEG DEG+XOG:- Puntland Yaa uga qeybgalaya shirka Madasha ee lagu qabanayo Baydhabo ?

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa saacadaha soo socda ku sii jeeda magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed, oo ay tahay markii ugu horeysay oo uu booqasho ku tagayo gobalka Baay tan markii intii uu noqday Madaxweyaha dawladda Puntland.

Ujeedada socdaalka Madaxweynaha ee Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka shirka Madasha Wadatashiga oo ay uga hadlayaan qaabka loo soo xulayo baarlamaanka & Aqalka Sare, gaar ahaana Odayaasha dhaqanka ee saxiixa yeelan doona.

Xasaasiyad weyn ayaa ka taagnaan doona Odayaasha la ansixinayo, taas oo ay si weyn Hoggaamiyaasha Madashu isku weydaarsan doonaan.

Madaxweyne Gaas ayaa ka qeybgalaya kulamadaas, waxaana shirkan uu noqon doonaa kii ugu dambeeyey ee Hoggaamiyaasha Madasha Wadatashiga Soomaaliyeed, waa haddii lagu heshiiyo arrimaha la doonayo in looga wada hadlo.

Puntland waxay soo jeedisay in Odayaasha 135-tii Odey ee dhisey dawladda hadda jirta ee uu hogaamiyo Xassan Sheekh Maxamuud ay mar kale soo xulaan xubnaha Xildhibaanada, ka dibna Saxiixa u dambeeya ay yeeshaan Madaxda Siyaasadda Soomaalida, laakiin doodaas mid ka duwan ayaa jirta oo madasha ooga dodey shirkii ugu dambeeyey.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ka hor inta uusan ka dhoofin Puntland wuxuu la hadli doona Warbaahinta, isagoo ka warbixin doona arrimaha shirka magaalada Baydhabo.