Wararka naga soo gaaraya dalka Spain ayaa sheegaya in ciidanka ammaanka dalka Spain ay xabsiga dhigeen Jamac Aden oo ka mid ahaa tababarayaasha cayaaraha fudud ,waxaana la la xiray ciyaaryahano kale.
Jaamac Karaacii ayaa lala xiray nin kale oo tababare Marooco ka soo jeeda, waxaana xarigoodu yimid kadib markii booliska ay xoog ku galeen hotelka ay daganaayeen iyaga iyo ciyaartoy kale, halkaasi oo laga helay nooc ka mid ah daroogada mamnuuca ah ee kordhisa awoodda jirka ciyaartoyda.
Dowladda Spain weli kama hadlin sababta rasmiga ah ee loo xiray Jamac Aadan oo ahaa tababare Soomaaliyeed.
Xiriirka ciyaaraha fudud ee adduunka ayaa sheegay inay darooggadan ka baareen 28 qof oo ka mid ahaa 30 ciyaarahan oo hotelkaasi daganaa.