Dawladda Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqdey in degmada Mandheera duleedkeeda uu ka dhacay dagaal oo dhexmaray ciidamada dawladda Kenya & Maleeshiyo katirsan Ururka Al- Shabaab, iyadoo dagaal adag uu halkaas ka dhacay ilaa hadda.
Gudoomiyaha degmada Mandheera Cali Roba ayaa u sheegay warbaahinta Kenya in ilaa hadda Kenya ay ku wadey dagaalkaas in ka badan 5 sarkaal oo kamid ah ciidamada Kenya.
Mr, Roba ayaa sheegay in dagaalkan uu ka dambeeyey markii ay Al- Shabaab weerareen kolonyo kamid ah ciidamada dawladda Kenya.
Dadka la diley ayaa ah Saraakiil ciidan, waxaana la sheegay in sidaas oo ale la gubey mid kamid ah baabuurtooda gaashaman ee kooxdan, ilaa haddana faahfaahin dheeraad ah lama hayo.