DHAGEYSO WAREYSI:- Maamulka Hoosingoow oo beeniyay in ay Al-shabaab qabsatay degaankaasi

0

Maamulka degaanka Hoosingoow ee Gobolka Jubbada hoose ayaa beeniyay in Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay qabsadeen degaankaasi.

Aadan Dhaqane Xeroow oo ka tirsan Maamulka Hoosingoow ee Jubbada hoose  ayaa sheegay in Ciidanka AL-shabaab ay weerareen Xerada Ciidanka  AMISOM ay ku leeyihiin meel u dhow Hoosingoow,waxaana uu beeniyay in ay gudaha magaalada galeen.

Ciidanka AMISOM ayuu sheegay in ay Hoobiyayaal ku garaaceen Goobaha ay ku tuhmayeen Ragga soo weeraray,waxaana uu intaa ku daray in aysan jirin kkasaare ka dhasha Dagaalkii Xalay.

Ciidanka Al-shabaab ee Weeraray Saldhigga degaanka Hoosingoow ayuu tiradoodu ku sheegay in ay ahaayeen 8 Nin,waxaana uu intaa ku daray in maamulka iyo Shacabka degaankaasiba ay hadda nabad ku suganyihiin oo aysan jirin cid weerartay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-