DHAGEYSO:- 10 ka mid ah Xubnaha Kongareeska Mareykanka oo Kerry ka codsaday in aan la xirin Dhadhaab

0

10 Xubnood oo ka mid ah Xubnaha Kongareeska Dalka Mareykanka ayaa Warqad furan u qoray Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John kerry,waxaana ay ka codsadeen in uu gacan ka geysto in aan la xirin Xerada Dhadhaab ee Waqooyi Bari Kenya.

Xubnahan oo ka kooban Labada Xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ayaa waxaa ay warqad furan u direen Xoghaye Kerry.

Xubnahan ayaa ku dooday in Dalka Mareykanka uu marti gelinayo Kumanaan Qaxooti Soomaali ah,kuwaas oo ay sheegeen in ay xaq u leeyihiin  in ay Nabad ku noolaadaan halkii ay tagan sida uu Mareykanka u soo dhaweeyayna laga doonayo in ay Kenya u marti geliso.

Gobolka Minnesota, ee Dalka Mareykanka kaliya waxaa ku nool 25,000 oo Soomaali ah,waxaa kale oo ay si la mid ah ugu noolyihiin Gobollada kale ee Mareykanka.

Madaxweynaha Kenya ayaa ku dhawaaqay  in Bisha November ay xiri doonaan Xerada Dhadhaab inkasta oo Dowladda Soomaaliya ay arrintaasi kaga jawaabtay in aysan jirin Qaxooti qasab lagu celinayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-