DEG DEG:- Gudoomiye Jawaari oo shaaciyay Xilliga uu furmayo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran

0

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, oo dhowaan gaaray magaalada Beydhabo ayaa waxaa uu maanta Magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay in 22-ka Bishan uu furmi doono Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegay in maalinta Arbacada ah ee soo socota uu shirka magaalada Beydhabo ka furmi doono.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa wuxuu tilmaamay in Xarunta gobolka Baay uu u tagay sidii uu u  kormeeri lahaa qaabka looga qaban qaabinaayo u diyaargarowga martigelinta ee Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Sidoo kale waxaa uu xusay mudada uu ku sugan yahay Magaalada Baydhabo in uu kulamo kula qaadan doono Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed, si ay isula jeex jeexan qaabkii loo wejihi lahaa arrimaha shirka, amnigiisa iyo ka warqabka wafuuda ka soo qayb galeysa shirka.

Shirkan ka furmanaya Magaalada Baydhabo, ayaa daba socda shirar ay horey Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ugu yeesheen Magaalooyinka Kismaayo, Muqdisho iyo Garoowe.