Maamulka Galmudug oo xurguf siyaasadeed oo xoogan kala kulmi jiray maamulka Puntland ayaa xiligaan waxa ay heleen jaanis weyn oo siyaasadeed kadib markii maamul mucaarad ku ah jiritaanka Puntland looga dhawaaqay 15 May 2016 magaalada Xingalool Ee gobolka Sanaag.
Galmudug ayaa sheegtay inay soo dhaweneyso maamulka halkaasi looga dhawaaqay waxaana ay sheegtay in tageeri doonto intii karaankeeda oo kale shaqeyn doonto sidii loo hormarin lahaa mamaulka cusub.
Sido kale galmudug ayaa raacisay in maamulka Cusub ee halkaasi looga dhawaaqay in ay tahay baahi shacabka halkaasi dagan uqabaan maamul cusub madaama oo kufashilmay maamulka hore oga tirsanayeen ee Puntland.
Isku soo wada duuboo Puntland iyo Galmudug ayaa kadhaxeeso xurguf xoogan oo dhanka siyaasada ah wallow Puntland weli diidantahay habka lagu dhisay galmudug inkastoo tageero xoogan u muujisay maamul looga dhawaaqay Gobolka Bakool.