Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uu ka furmo 20-ka Bishan June Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in Shirkaas uu dib u dhac ku yimid.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan oo maanta tagay Baydhabo waxaa uu ka sheegay in Shirka Madasha qaran uu dib u dhacay islamarkaana uu furmayo 25-ka Bisha June .
Guddoomiye Jawaari ayaa Baydhabo ka sheegay in ujeedka uu halkaa u tagay ay tahay sidii uu u soo qeymeyn lahaa Xarumaha lagu qabanayo Shirka islamarkaana uu kulamo la qaadan doono Madaxda Koofur galbeed.