Duqa Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta Waqooyi C/Casiis Jaamac guuleed ayaa sheegay in dadka dilalka qorsheyn ka geysta Magaalada Gaalkacyo ay aadaan dhanka Koofurta Gaalkacyo.
Waxa uu sheegay in ay ku daba jiran dadkaasi in ay dilka geystaan ka dibna u baxsada dhanka Koofurta magaalada Gaalkacyo.
Duqa Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta Waqooyi C/Casiis Jaamac guuleed ayaa si guud kaga hadlay xaalada guud ee Magaalada Gaalkacyo.
Waxa uu sidoo kale sharaxaad dheeri ah ka bixiyay howlgalada ay Ciidamada amaanka sida joogtada ah ugu wadaan Magaaladaasi.
Hoos ka Dhageyso Codka:-