Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay Qaramada Midoobe isku afgarteen in laga taageero dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.
Waxay dowladda Kenya sheegtay in ay Qaramada Midoobe ay la wadaagtay dhibaatooyinka ka heysta qaxootiga Soomaaliyeed eek u sugan xeryaha dalka Kenya,islamarkaana Qaramada Midoobe ay taageertay go’aanka ay dowladda Kenya kusoo celinayso qaxootiga Dhadhaab.
Wasiirka arimaha dibada ee dowladda Kenya Aamina Xaaji Maxamed ayaa sheegtay in qaramada Midoobe ay cadeysay mowqifkeeda ku aadan go’aanka Kenya ayna taageertay dib u celinta qaxootiga,iyadoo loo maraayo sida Sharcigaa.
Qaramada Midoobe ayaa horay ugu soo horjeesatay in dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed eek u sugan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.
Hoos ka Dhageyso Codka:-