Bayaan ka soo baxay Al Shabaab ayaa markii ugu horeesay lagu xaqiijiyay geerida Hogamiye Sheekh Max’med Maxamuud Cali (Dulyadeyn) kaasi oo lagu Dilay Weerar ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo.
Al Shabaab ayaa sidoo kale ka tacsiyeey geerida hogaamiye Sheekh Max’med Maxamuud Cali (Dulyadeyn).
Dulyadeyn ayaa ka mid ahaa Saraakiisha ugu sareysa Al Shabaab ee lagu Dilo howlgallada Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada qaar ee Dalka Soomaaliya.
Hogaamiyahan ayaa la aaminsanaa in uu ahaa Maskaxdii ka dambeysay Weerarkii Xooganaa ee Al Shabaab ay ku qaadeen Jaamacadda Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya.
Sheekh Dulyadeyn ayaa dhowr jeer oo hore la hadlay Warbaahinta kadib markii ay soo baxeen in lagu Dilay Weeraro ay fuliyeen Ciidamada Dowladda Kenya.
Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in uu gacan ka geystay Weerarkii lagu Dilay Hogaamiye Dulyadeyn oo ka mid ahaa Saraakiisha ugu sareysa Xarakada Al Shabaab.