Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in war bixin laga dhageystay Guddigii dhawaan lo xilsaaray in ay so baaraan sida ay ku dhacday in Raashiin tayo ahaan dhacay dalka ay soo geliso Hey’ada WFP.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa Guddi wasiiro u xilsaaray arintaasi in ay soo cadeeyaan, waxaana wasiiradaasi ka mid ah Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Soomaaliya C/raxmaan Odowaa.
Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay ka doodeen qorshaha waxbarashada dalka.
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka C/rixmaan Odawaa ayaa warbixin ka siiyey Golaha Wasiirada halka uu marayo Barnaamijka Hiigsiga 2016 iyo Raashiin ay leedahay Hey’adda WFP oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.