Gudoomiyaha degmada Beydhabo ahna Duqa magaalada C/lahi Cali Maxamed Watiin ayaa waxa uu ka hadlay waxqabadka ciidamada AMISOM iyo Howlgalada hada ay ka wadaan gobolada Bay iyo Bakool.
Gudoomiyaha Beydhabo ayaa ciidanka AMISOM waxa uu ku amaanay howlgaladii dhowaan Al-shabaab looga saaray deegaano iyo degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed.
Waxa uu Gudoomiyaha ka codsaday shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si looga hortago falal amaanka liddiga ku ah.
C/lahi Cali Maxamed Watiin Gudoomiyaha degmada Beydhabo ahna Duqa magaalada ayaa hadalkan ka sheegay xilli ciidamo ka Howlgalka AMISOM lagu soo dhaweynayay magaalada Beydhabo ee gobolka Baay.
HALKAAN KA DHAGEYSO