Maxamuud Axmed Nuur Tarsan gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir ayaa soo bandhigay xog sida uu sheegay si qarsoodi ah ku helay taas oo la xiriirta doorashada la filayo iney dalka ka qabsoonto marka lagaaro dhamaadka sanadan.
Tarsan ayaa Wareysi gaara oo uu siiyay Mustaqbal ku sheegay in Dowlada soomaaliya ay ugudbisay beesha Caalamka liis dheer oo ay ku qoranyihiin magacyada 22 shakhsi.
Dadkan 22ka ah ayuu ku sheegay Tarsan iney yihiin kuwo Dowlada uxulatay Gudiga doorashada Dalka ka qabsoomeyso,wuxuu baaq ku aadan diidmada Gudigan ujeediyay beesha caalamka.
Shan kamid ah xubnaha Gudigan ayuu tarsan ku sheegay iney yihiin wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya,gaar ahaan wasiiro uu sheegay iney isku dhawyihiin Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Wasiirada uu Magac-dhabay waxaa kamid ah Wasiirka Arimaha Gudaha Cadaalada,Warfaafinta,Haweenka iyo isgaarsiinta.
HALKAAN KA DHAGEYSO