Warar ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Beesha Caalamka ay u gudbisay Guddiga Doorashooyinka Dalka oo ka Kooban 22 Xubnood.
Guddiga ayaa waxaa ka mid ah Sida Wararku ay sheegayaan Shan Wasiir oo ka tirsan Xukumadda Soomaaliya iyo Xubno kale oo ka socda Saddexda Xafiis ee kala ah kala ah Madaxtooyada,Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Maamulk Goboleedyada ayaa Guddigaan waxaa ugu jira Mid Labo Xubnood oo ay soo Xusheen Hogaamiyaasha Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.
Wasiiradda qaar ee la sheegay in Guddiga ay ku jiraan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa,Wasiirka Caddaaladda C/llaahi Axmed Jaamac Ilka jiir,Wasiirka Warfaafinta Mudane Maareeye iyo Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul iinsaanka.
Guddigaan loo gudbiyo Beesha Caalamka ayaan weli Warbaahinta loo soo bandhigin,lamana oga wax ay ka yeeli doonto Beesha Caalamka.
HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA