WAR DEG DEG:- Ciidanka Puntland oo qabtay Nin u dhashay Yemen oo Shabaab ka soo goostay

0

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa Xeebta Degaanka Ceel-dhanaane ee Gobolka Mudug ku qabtay Nin u dhashay Dalka Yemen oo looga shaki qabo inuu ka tirsan Yahay Xarakada Al-shabaab.

Taliyaha Qaybta Booliiska Degmadda Jariiban C/llaahi Yusuf Carays ayaa sheegay in Ciidanka ay qabteen Ninkaan oo kaligii ordaya Meel u dhaw Xeebta Ceel-dhanaane,waxaana uu xusay in ay Su’aalo weydiiyeen.

Taliyaha Qaybta Booliiska Degmadda Jariiban C/llaahi Yusuf Carays ayaa intaa ku daray in Ninkaan Yamaniga ah uu u sheegay inuu ka soo baxsaday Al-shabaab oo uu ka mid ahaa Kaluumeysato u dhashay Yemen oo Shabaab u Afduubnaa.

Sidoo Kale Saraakiisha Puntland ayaa intaa ku daray in Magaalada Gaalkacyo loo gudbin doono Ninkaan Gacanta lagu hayo si Baaritaan intaas dheer loogu sameeyo.