Al-Shabaab oo la sheegay nin da’ ah inay ku gowraceen duleedka Xaradheere

0

Ururka Al Shabaab ayaa la soo sheegayaa duleedka Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug inay ku dileen Nin Oday ahaa, kaasi oo xalay la soo wariyay inay gowraceen.

Dilka Odaygaan ayaa ka dambeysay, kadib markii sida la sheegay Shabaabka ay qabteen Odaygan maalmo ka hor, waxaana ay ku eedeeyeen inuu yahay jaajus la shaqeeya Maamulka Galmudug.

Deegaano hoostagga Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug, waxaa ka taagan xiisado u dhaxeeya Al Shabaab iyo ciidamada Maamulka Galmudug, kadib markii Galmudug ay weerartay deegaan ay gacanta ku hayaan Shabaabka.

Ninkaan ay Shabaabka gowraceen ayaa lagu dilay deegaan Afar KM u jirta Degmada Xaradheere, waxaana magaciisa lagu soo koobay Xasan.

Ilo wareedyo deegaanka ku sugan oo Warbaahinta gudaha la soo xiriiray ayaa sheegay in Ninkaasi da’da ah Shabaabka ay gowraceen, iyadoo Shabaab aysan ka hadlin sababta ay u gowraceen.

Ururka Al Shabaab ayaa looga bartay tacadiyada kala duwan ee ay geystaan, sidoo kale waxa ay caan ku yihiin Shabaabka falka gowracista ah oo ay kula kacaan dadka ay u arkaan inay iyaga ka soo horjeedaan iyo dadka ay ku eedeeyeen inay jaajuusiin yihiin.

Maalin ka hor Degmada Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha hoose, Shabaabka waxa ay ku dileen Wiil Dhalinyaro ah oo 17-sano jiray, kadib markii ay ku  eedeeyeen inuu la shaqeynaayay ciidamada Dowladda.