TOP DHAGEYSO WAREYSI KULUL : Yuusuf Dabageed : “Cid Hor istaagi karta maamulka Lagu dhisayo Jowhar ma jidho”

0

Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-Geed) Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Dowladda Fedraalka ah ee somaliya ayaa Si Caroleh oga Hadlay go’aankii ay odayaal ku shiray Baladweyne oga soo Horjeesteen Maamulka Laga dhisayo Magaaladda Jowhar.

Sidoo Kale wuxuu ku sheegay Wareysiga uu siiyay Allgalgaduud in Dadka Goboladaasi daga iyo Dowladda fedraalka ahba ay ku heshiiyeen sidii Ay u sameysanlahaayeen Maamul Iyagu ay leeyihiin kaas oo daryeela Howlahooda,

Gudoomiyaha ayaa sheegay ineysan jiri karin cid ka soo horjeesata maamulkaasi, islamarkaana dhamaan Xurgufaha jira ay Horay Oga wada Hadleen,

Ugu danbeyn ayuu digniin u diray Dad uu sheegay in aysan ka soo jeedin Baladweyne oo Ku qabtay halkaasi Kulan looga soo horjeedo Maamulkaasi lagu dhisayo magaaladda Jowhar ee xarunta Shabeelaha dhexe,

DHAGEYSO WAREYSIGA :