Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga habmalyeeyey Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan dadweynaha Reer Puntland dhalashada Sannadka Cusub ee 2016-ka .
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa eebbe uga baryey ummadda soomaaliyeed sannadkii tegey khayrkiisa inuu siiyo sidoo kalena sannadka cusub ee caawa dhashay uu uga dhigo sannad barwaaqo.
“sannad wanaagsan ayaan leeyahay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan dadweynaha reer Puntland, ilaahay waxaan uga rajeynayaa in uu sannadkii tegeyna khayrkiisa na siiyo, kan caawa dhashayna wanaagiisa uu nasiiyo sharkiisana uu naga duwo” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas
Madaxweynaha Puntland ayaa sannadkii tegey ee 2015-ka ku tilmaamay sannad horumar oo ay Puntland ku tallaabsatay guulo wax ku ool ah isagoona sannadkan cusub ee 2016-ka ilaahay ka rajeeyey inuu noqdo sannad ay Puntland hananto guulo isbadajoog ah kuwaas oo waxbadan ka bedeli doono wejigii Puntland lagu yaqaaney.
“Sannadkii lasoo dhaafay dadka reer Puntland Wuxuu u aha sannad guul ah, hourmar baaxad weyn ayay na gaareen, wayna isku tashadeen, sannadka soosocda waxaana rajeynaynaa guulo is daba joog ah kuwaas oo la xiriir dhanka mashaariicda, ladagaallanka musuqmaasuqa iyo horumarinta dawladnima wanaaga”sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale xusay doorashooyinka lafilayo bisha agoosto sannadkan 2016-ka inay ka qabsoomaan Soomaaliya isagoona u rajey inay kasoo baxaan doorashooyinkaasi wax soomaali oo dhan dani ugu jirto.
“ilaahay waxaan ka rajeynaynaa 2016-ka dawladnimo soomaaliyeed oo sida hadda layahay dhaanta oo nidaam soomaliyi heshiis ku tahay kagana baxdo nidaamkii qabaliga ahaa ee muddada dheer lagu soo dhaqmayey una gudubto nidaam kudhisan caddaalad deegaan iyo mid dadeed noqotana sannadkii soomaliya ka guureysey Soomaaliyadii hore una guureysey Soomaaliyada Cusub” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas
HOOS KA DHAGEYSO CODKIISA :
DAAWO SAWIRADDA :