WARBIXIN : Xukuumada oo faah-faahin ka bixisay wadatashiga ku aadan qorshaha 2016-ka.

0

Xukuumadda Federalka Somaliya, ayaa faah-faahin waxa ay ka bixisay wadatashiga ku aadan marxlada looga gudbaayo sanadka 2016-ka oo waqtiga Dowladda Xasan Sheekh ay ku eeg tahay, lagana tashanaayo waxa la yeeli doono.

Wasiirka Iskaashiga iyo xiriirka caalamiga Xukuumadda Somaliya C/raxmaan Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa sheegay qorshaha inuu yahay in la sameeyo wadatashi socon doono muddo saddex bilood ah.

Waxaa isugu imaan doono wadatashigaan Xukuumadda, Maamul Goboleedyada dalka iyo Ururada Bulshada rayidka, waxaana la isla eegi doono hanaanka looga gudbi doono sanadka 2016-ka.

“Waxaa hada la sameeyay hanaan wadatashi ah oo saddex Bilood soconaayo sadexdaasi Bilood, waxaa wadatashiga ka qaybgali doono Xukuumadda, Baarlamaanka, Qurba joogta iyo Ururada Bulshada.” Ayuu yiri Wasiir Caynte.

Isaga oo hadalka sii wata Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Somalia, ayaa wuxuu sheegay inaysan suuragal aheyn dalka inay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse la doonaayo hanaan cusub oo doorasho ah oo laga wadatashado.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Somaliya, ayaa sidoo kale sheegaya qorshaha inuu yahay in laga gudbo sanadkii 2012 qaabkii ay doorashada u dhacday oo aheyd in Odayaasha ay soo xulaan Xildhibaanada, fekerka arintaan looga gudbi doonana uu kasoo baxayo shirarka wadatashiga.

Dowladda Somaliya ayaa si cad u sheegtay dalka inaysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod, xili Dowladda ay u biro tumanaysay muddo kordhin ay sameysato, balse caqabado badan ayaa la soo gudboonaaday Dowladda Somaliya.