Top News: Mareykanka Oo Sheegay Inay Sare U Qaadayaan Duqeymaha Xaga Cirka Ah Ay Ka Geesanayaa Gudaha Soomaaliya.

0

War kooban oo kasoo baxay Dowlada Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Militeriga Dowladu ay sara qaadi doonaan duqeymaha cirka oo ay ka geysanayaan Xarumaha Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku yaalla Gobolada Sh/Hoose, Jubbooyinka iyo Gobolada kale ee dalka.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada cirka ay beegsan doonaan Xarumaha ugu weyn Al-shabaab iyaga oo adeegsanaaya cududooda Militeri inta ay gaarsiisan tahay.

Sargaal ka tirsan Ciidamada Militeriga Cirka ee Mareykanka ayaa sheegay in Dowlada Mareykanka ay wado qorsho ay kaga hortageyso duulaano ay wadaan Maleeshiyaadka kuwaasi oo ku wajahan Xarumaha DF, AMISOM iyo Goobaha ay ku caweeyaan Bulshada rayidka ah.

Sidoo kale, waxa ay sheegen in Mareykanka ay si gaar ah ugu lug lahaan doonto weerarada ay qaadi doonaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa DF Somalia.

Warbixintaani ayaa lagu sheegay inay Jawaab u tahay weerarka ay Maleeshiyada ku xasuuqeen inkabadan 50 askari oo ka tirsan AMISOM kuwaasi oo galaaftay weerar ismiidaamin iyo mid fool-ka-fool ah oo ay qaaden Al-qaacidada Somalia ee Al-shabaab kaasi oo ka dhacay Deegaanka Janaale ee G/Sh/Hoose.