Faarax Sheekh C/qaadir oo kala fur furay Xildhibaanadii Mooshinka ka keentay Madaxweynaha Somaliya (Warbixin)

0

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa kala fur furay Xildhibaanadii Mooshinka ka keentay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

93 xubnood oo Baarlamaanka ka tirsan, ayaa 12-kii bishii hore ee August waxa ay Guddoonka Sare Baarlamaanka Somaliya, u gudbiyen Mooshin ay ku dalbanayan xil ka qaadis Madaxweyne. Xildhibaanadan waxay Mooshinka abaabulkiisu ay wadeen lixdii bilood ee ugu dambeysay.

Faarax Sheekh C/qaadir oo si dhow loola xiriiriyo Madaxweynaha, ayaa kulamo kala gooni gooni ah waxa uu la qaatay Xildhibaanada saluugsan hannaanka siyaasadeed ee Madaxtooyada, waxa uuna ku qanciyay inaanan xilligan loo baahnayn wax Mooshin ah, oo Madaxweynaha lagu ridaayo.

Sidoo kale waxa uu Xildhibaanadu u sheegay in lagama maarmaan ay tahay Somaliya inay markale cagaheeda isu taagto, iminkana ay Dowladdu ku mashquulsan tahay wixii looga gudbi lahaa habraaca marxaladda kala guurka (2016).

Xildhibaano

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya 50 ka mid ah Xildhibaanada inay ka laabteen mowqifkoodii hore, isla-markaana ay ku qanceen soo jeedinta Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir. Xildhibaanadu waxay ballanqaadeen inay soo afjarayan arrimaha Mooshinka.

Ilo wareedyadan, ayaa xaqiijinaya in Wasiirkii hore Garsoorka Somaliya uu diyaariyay Mooshin kale oo ka dhan ah midkii Madaxweynaha Somaliya laga keenay, si loogu wiiqi hamiga Xildhibaanada kale ee weli ka biyo diidan inay ka noqdaan Mooshinkaasi. Waxaa la sheegay Faarax Sheekh C/qaadir in uu abaabulay Xildhibaano dhan 125 xubnood, si ay u muujiyan inaanay waxba ka jirin eedeymaha loo cuskaday Mooshinka laga keenay Madaxweynaha.

Sarkaal Madaxtooyada Somaliya ka tirsan, ayaa sheegay Xildhibaanada lagu qanciyay inay ka laabtan Mooshinka, ay qaarkood ka soo kala jeedaan Deegaanada Maamul Goboleedyada Wadanka ka dhisan.

Faarax

Mar uu Faarax Sheekh C/qaadir ka hadlaayay Mooshinkan, ayaan wax walaac ihi ka muujin Mooshinku in uu qalqal ku keeni karo Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna ku tilmaamay mid uun ka mid ah dhacdooyinka dalka ka dhaca ee maalmaha kooban socda.

Sidoo kale waxa uu sheegay Somaliya inay u baahan tahay dib markale inay ugu soo laabato dhabaha horumarka, taasina lagu gaari karo iyadoo laga wada shaqeeyo, sidii dalka iyo dadkaba horey loogu socodsiin lahaa.

Faarax oo wareysi gaar ah siiyay Wargeyska Xaqiiqa Times, ayaa isu sifeeyay shakhsi xiriir dhow la leh Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada.

Tani waxay muujinaysaa galaangalka uu Xildhibaan Faarax u lee yahay Madaxtooyada, Xukuumadda, Baarlamaanka & Maamul Goboleedyada. Dadka odoroso siyaasadda Somaliya waxay ku tilmaaman dhaqaajiyaha/mashiinka Dowladda Federalka Somaliya.